Awooda Ka Oomanaw Ama Islaax Ahaaw

cropped-somalia_gal021122.jpgMoment Media Ethics“Aroma” (MME) – Dhowr qarni dalka Koofur Afrika waxaa ka jirey midab-takoor ay wadeen koox Caddaan ah oo si ba’an u kadeeday madowgii tirada badnaa balse aan Alle tayada ugu deeqin.

Gumeysteyaashii caddaa waxay Koofur Afrika ka hirgeliyeen xasuuq bahalnimo iyo dadkii madoobaa oo lagu ooday xeryo xabsiyada ka liita.

Si jirta siima jirto, qarniyaal dulmigu waa socon karaa waxaase ugu dambeysta guuleysta xaqa iyo sinnaanta. Sannadkii 1989kii F.W. de-Klerk ayaa loo doortay madaxweynaha Koofur Afrika wuxuu beddelay P.W. Botha oo ahaa cunsuri  ku xeeldheer midab-kala-sooca, dadka madowna u yaqaan baranbaro mudan in la buufiyo.

Goortey isbeddeleen labadaas hoggaamiye, waxaa la saadaaliyey in waa-cusub u baryey Koofur Afrika oo ay ka xorowday nidaamkii foosha xumaa ee midab-takoorka. Madaxda caalamku waxay hambalyo iyo boogaadin u direen F.W. de-Klerk, waxaa loo rejeeyey shacabka Koofur Afrika (madow & caddaan) horumar iyo sinnaan inay ku naaloodaan.

Ayaandarro dad baan ku farxin doorashada F.W. de-Klerk oo arrintu ugu muuqatay laba nin oo ilma-adeer ah oo jagada kala dhaxlay. Dad baa goconaayey guuldarradii gumeysigii ummadda kadeeday, wejiyo isbeddelay iyo magacyo kala duwan oo loo qorsheeyey in lagu marinhabaabiyo shacabka madow.

Baaderiga Desmond TuTu oo ka mid ahaa dadkii aragtidaas aaminsanaa ayaa maqlay F.W. de-Klerk waa “moderate” ka wanaagsan P.W. Botha, wuxuu yiri murti loo riyaaqay oo taariikhda baal dahab ah ka gashay, erayadii TuTu waxaa ka mid ah “PW iyo FW waa xarfo Ingiriisi ah Botha iyo de-Klerk waa laba nin oo caddaan ah = F.W & P.W are English alphabets and both leaders are whitemen”

Akhristeyaasha qaar baa dhibsada qoraalladeyda ararta dheer leh, akhriste raalli ahaaw maanta dheereyn mayo oo waan soo koobayaa. F.W. de-Klerk oo beddelay P.W. Botha waxaa la mid ah, shalay waxaa dalka boobi jirey oo baanka-dhexe lacagta ka daldalan jirey dad isku beel ah oo ay ugu caansanaayeen: (Maama Madaxtooyo, Injineer Bidaar, Gafane Kibrey, Korneyl Kooshin, Cigaal-Shire-Diini-Diiriye, seedi wasiir maaliyadeed iyo kuwo kale) maanta waxaa beddelay (Jimcaale jeebweyne, Calasow cunaaye, ina-macallin-marya-cadde, Yeberow yaxaas, Jineraal Xarago, Guulwade Garcadde, Damdamle dib-ka-naax  iyo kuwo kale, malaha madasha maanta waxaa ka maqan Seedi Saldano helay iyo Maama Madaxtooyo oo marwooyinka madaxweynuhu weli ma ilbaxin).

Continue reading