Waa yaabee Farooloow adigu dastuurka maku dhaqantaa mase waa Federaalkii Faroole?

faroole1 (1)Agoosto 12 2013   Waxaan marar badan aragnaa madaxwaynaha Puntland (inkastoo ay ku fiicnayd gudoomiyaha gobolka Puntland) Cabdi Raxmaan Faroole oo marar badan jeedinaya erayo Ilaahay ka dheeri ah oo umadda Soomaaliyeed sii kala diraya ama isku diraya isagoo wax kasta ku cabira qabyaalada iyo gobolaysi halkii la eegi lahaa danta umadda ka dhaxaysa.

Faroole wuxuu afkiisu inta badan ku noq noqdaa dastuur baa la bedeley laakiin markii waaqici la noqdo wasiirkii hore ee dastuurka Md Xoosh Jibriil ayaa horay u caddeeyay in haddii wax la bedelayna aysan dowladda haatan jirtaa eed iyo shuqul toona ku lahayn.

Waxaa arrintaa haatan xoojiyay xildhibaan reer Puntland ah oo lagu magacaabo Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo qiray in aysan dowladda haatan jirtaa waxba ka bedelin dastuurka sheegay in qodobada la bedeley ay dowladda ka horreeyeen.

’’Ma filahayo in madaxwaynaha haatan uu lug ku leeyahay dastuurka la bedeley, waayo isagaaba la khiyaamay oo hal sano ayaaba laga gooyay oo 5 sano ayuu lahaa marka eeda waxaa iska leh wasiirkii hore ee dastuurka’’ ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Faroole isagu dastuurka federaalka ah maku dhaqmaa?

Faroole marka uu hadlayo wuxuu u dhaqmaa sida qof qaba
Paranoia ka dhan ah umadda Soomaaliyeed jiho kasta oo ay ka xigto Khaatumo, Somaliland, Gobollada Dhexe, Muqdisho, xitaa kuwa uu haatan sheeganayo inay isku reer yihiin marbuu Soomaalinimada ka saaray, cid uu codkiisa ugu naxariisto majirto.

Faroole waan maqalnaa isaga oo cabanaya, isagoo qabiillo Soomaaliyeed shirinaya, isagoo gobollo ay dad leeyihiin kuwa kale ku hubaynaya, isaga oo dalal deris ah daneheena ku fashilinaya, isaga oo sadbursi kujira, isaga oo awood maroorsi iyo takri fal ka sameeynaya Puntland lkn waxa aynaan weli arag haddii aan nahay umadda Soomaaliyeed ayaa ah maamul goboleedka Puntland oo gudanaya waajibaadka uga aadan dowladda federaalka ah ee dhexe.

Sababtu waxay tahay markasta oo aad xuquuq yeelato waxaa jira xaq lagugu leeyahay, tusaale ahaan Faroole ma bixiyo canshuurtii ay kulahayd dowladda dhexe, sidoo kale majirto awood ciidan oo ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya oo jooga Puntland kuwaasoo xaq u leh inay maamuulaan dekedaha iyo garoomada Puntland, sidoo kale majiraan xafiisyo ay leedahay DF oo
ku yaalla halkaasi.

Dastuuri ma tahay in Puntland ay tiraahdo waxaan xiriirka u
jarnay dowladda dhexe?

Puntland waxay markii 2-aad sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya, marka aad maqasho xiriir baa la isu jaray kuguma soo dhici karto wadan iyo gobol ka tirsan waayo wax aduunyada ka jira maaha mana jiro xeer ay arrintaasi waafaqsan tahay.

Waad maqli kartaa gobol gooni u goosad ah, ama gobol u dagaallamaya in xukun daakhili la siiyo ama gobol ku dhaqma hannaan ka duwan dalka intiisa kale sida Hong Kong balse arrinta cajiibka ah ee aan Puntland ku aragnay maaha mid dunida ka jirta ee Farooloow adigu is fiiri fara badan baa mkugu fiiqane oo dad badan ayaa la yaaban Federaalkii oo aad ka dhigtay federaalkii Faroole.

Waxaad ku dartaa in adiga oo aan gudanin xaqii ay dowladdu kugu lahayd marka aad qas iyo warxumo iyo wax baa iga maqan la daba joogto Soomaalidu waxay is waydiin karaa horta Puntland maxay nasoo gelisaa oo ay sidan ugu qaylin kartaa?

Waxaan kuusoo jeedin lahaa in 2 mid raacdo mid waa inaad umadda maamulka kuu dhiibatay oo aan hubo inaysan ugu tala gelin sida aad ku wado aad iyaga marka hore cadaalad u fasho oo aad awooda ku dhiibto sidii laguu doortay, iyo mida kale oo ah inaad dhibka ka dayso umadda Soomaaliyeed ee dhibka kasoo daashay ee aad masiirkooda siyaasadaynayso inta Ilaahii ku
abuurtay ee nafta beenta ah ku geliyay ka yaabto.

Shacabka Puntland oo ah shacab dulqaad badan oo nabada jecel waxaan u sheegayaa in aan la idinku dirin umadda Soomaaliyeed taasoo sida aan hubo aan adinka iyo ayagaba u roonayn waayo mucaawino umad baahan loo waday in la siyaasadeeyo waa fadeexad waana ceeb.

Odayaasha iyo isimada halkaa joogana waxaan farayaa inay noqdaan qoortii labada madax u dhaxaysay oo ay runta u sheegaan Faroole oo u muuqda nin aysan fadhinin go’aamada iyo hadallada kasoo yeeraya maalin kasta.

Dowladdana waxaan u jeedinayaa in haddiii wax la bedelay ay saxdo iyo inay Faroole xaqeeda waydiisato hadii uu diidana waxaasi Federaal maahee waa WADAN WADAN KU DHEX YAALLEE umadda haku lug gooynina ee xal kale keena haddii kale ma soconayo Federaalka Faroole wax sharciga waafaqsanna maaha.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment